Skip to main content Skip to office menu Skip to footer
Capital IconMinnesota Legislature

Legislative News and Views - Rep. Samantha Vang (DFL)

Back to profile

Legislative Update (Somali) April 14, 2019

Friday, April 12, 2019

Reer Minnesota, Waa Aan Idin Ssalaamay!

Haddii aan ahay wakiilkaaga gobolka shaqooyinkayga ugu muhiimsan waxa ka mid ah in aan wax ka qoro kharashaadka cusub ee ku baxi doona iskuulladeena, barnaamijyada dadweynaha ee daryeelka caafimaadka iyo kuwo kale oo badan. Asbuucan, waxa aan ka qayb qaatay baahinta qayb ka mid ah dhaqaalaha ku bixi doona gobolka kaas oo ka dhigaya gobolkeenna mid si quman ula shaqaynaya qof walba, iyada oo aan la eegayn halka uu ku noolyahay ama sida uu u  egyahay toona. Waa ii sharaf in aan idinla wadaago xog kooban oo ku saabsan qaybaha dhaqaalaha.

Guriyeynta,

Qof walba oo reer Minnesota ahi waa uu u qalmaa in uu helo guri jaban oo lagu nabadgeli karo, laakiin in badan ayaan weli fursaddaas haysan. Kharashka cusub ee loogu talogalay guriyeynta jabani waxa uu suurtagelinayaa in la helo maalgelinta loo baahan yahay si loo kordhiyo helitaanka guryo jaban, loona geliyo awood badan gacanta dadka kireystayaasha ah iyo in horumar laga sameeyo sidii loo ciribtiri lahaa darbi jiifnimada iyo guryo la’aanta.

Kobcinta Dhaqaallaha iyo Shaqooyinka

Labada qaybood ee ugu muhiimsan kharashka kobcinta dhaqaalaha iyo shaqadu waa in qof walba oo reer Minnesota ahi uu fursad u helo in la siiyo mushaarkiisa marka uu u Baxo Fasax Caafimaad ama Mid Qoys uuna Xaq u Yeesho Wakhti u Urura oo uu u Adeegsado Xilliyada Baahida Caafimaad ay ku timaaddo. Labada qorshaba waxa ay u oggolaanayaan reer Minnesota in ay shaqada fasax ka qaataan iyaga oo uu mushaarkoodu u socdo haddii iyaga ama qof ka mid ah qoysaskooda ay la soo deristo xaallad caafimaad, isbitaal la dhigo ama ay ilmo dhashay daryeelayaan. Arrintani waa mid muhiim ah oo awood dheeri ah siinaysa shaqaallaha si ay ugu noolaadaan nolol sharfan.

Waxbarashada

Maalgelinta waxbarashada dadweynuhu lama ayan jaanqaadin hoos u dhaca dhaqaallaha. Taas oo sabatay in shaqada laga saaro macallimiin, fasalladii oo ardayda fadhida tiradoodu korortay iyo ardaydii u baahnayd oo aan helin kaalmo ku filan. Waxa aan aamminsanahay in carruurteenna oo dhami ay u baahan yihiin in ay helaan waxbarsho tayo leh, iyada oo aan loo eegayn halka ay kaga nool yihiin gobolkeenna. Waana arrintaas sababta aan u taageerayo in la helo kharash lagu maalgeliyo arday walba oo ku jira dugsi walba oo iskuullada dadweynaha ka mid ah. Weliba, dhammaan reer Minnesota waxa ay u qalmaan in ay helaan tababar shaqo iyo mid waxbarasho si ay u helaan shaqooyin macaash-badan leh. Minnesota waxa ay il gaar ah ku eegaysaa sidii loo xakameyn lahaa kharashaadka ay jaamicadaha iyo machadyadu ka qaadaan ardayda – si loo joojiyo kororka deymaha machadyada waxbarashada sare.

Dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa wixii ka soo kordha Golaha Sharci-dejinta asbuuca dambe.

Mahadsanidin.

Rep. Samantha Vang